maanso | si xor u fikir | 2022

 

Maansadu waa nooc kamid ah suugaanta soomaalida loogu jecel yahay .maansadu waxa kasii farcama murtida sida gabayga jiiftada,buraanburka,saarka,heesaha,heelada,geeraarka iyo heeso hawleedka oo dhan.

maansada marba si baa loo curiyaa, maansadaan aan maanta idin soo gudbin rabo waxay ku saabsan tahay maanso jaceyl ah.


maanso si xor u fikir


MAANSADU WAXAY ORANAYSAA: 

Xumaan qof ku soo dhasoo

Ma jiro xaqiraad geja

Xadiiska siduu na yidhi

Fikradu dadka waa uxool

Hooyada xaq dayiya

Aabaha xafidaa gediga

Hanuun kuna waa xag sare

Xogiyo waxa buug ku qoran

Adoo deyn xaashiyaha xuruuf

Xuruuf tana soo akhriyin

Jaldiga iyo xuubka sare

Indhaha xukumaa qaldane

Hubsiimo xeer ka dhigo

Qabiil iyo xaafad iyo

Suldaan xabsigii ha galin

Haw xilin qolo aan ku xulan

Haw ruux kale xamaal

Kaskaaguna adaa xaq uleh

In aad xal ka raadsatee

Si xora waliga u fikir

Xabada lagu iil galiyo

Rasaasta xisbaa la yimi

Halbowlaha ay xushiyo

Dhigiyo xidid jartana

Dawa xinjiraynaysoo

Xuskeeda qof baa lahaa

Labadu marna waa isku xeer

Misana waa kala xisaab

Waa xikmadaa la mida

Baahida ku xubeerisiyo

Xujada kugu awdanta

Waxa ay xayasiis u tahay

Bariyo xaajadaada la iman

Waxaad ku xisaabtanta

In aad xildhibaan u tahay

Ka shaada dad xoomayiyo

Waxay unkayaan xidiid

Hadaanu xulqaad ahayn

Qofkuna xakamayn go aan

Waxuu xamilaan gaf koo

Waxaad xawishaa culays dabrayoo xidhxidha

Xasuustaada maxkamad

Xaqsoorka ku can ohoo

Damiir kaagana xidha

Hawada lagu xuma wataa

Canaan xabsi daa’iimo

Falkii ximaa gafee

Farxadu waa xadantaade

Nolosha xaaladeeda doon

Xariijin qof kuu dhigiyo

Han kaagana xuduud ka kor

Hadana waxad xerisiyo

Xayndaab waligaa la how

Samirka xadigiisa baro

Xurmada talan taaligay

Ku tahay shey xaasilee

Aduu kaligaa xiiq madow

Naftaadan xuquuq u fidi

Waxaan gayn xaal ku mari

Ku xeer dad ilaashado

Ka xagan beerkiyo wadnaha

Xurmada aadmiga unkee

Hadaad dar xanuun qabiyo’

Istidhi godob xanaf leh bii

Xaalkeeda holoo wax qabo

Hadaad ku xabeebato

Calwaa yahay xalka kani

Xilbaad gudatay kaa ku dhacee

Intaad xuslin lahayd banana

Dhiiran dhiri xeelad kale.

                                                                   ********************


Waa maanso kale oo uu curiyey yaxye xabaash oo la yiraahdo "indhahaagu."


maansadaan waxay oranaysaa:


Indhahaagu waa weel

Waa webi kalgacaloo

Waabaydu caashaqu

Ruuxay wax yeesha

Looga weyso qaada

Indhahaagu waa wiig

Waqti iyo dharaaro

Labadii iswaaye

Tabashada wareera

Isu soo wadaayo

Axadaha wax siisa

Indhahaagu waa way

Wadhi iyo colaadoo

Caqli waalan gaadhiyo

Rabitaan wanjalanbaa

Isku weeraraayo

Wabtu waa ishayga

Indhahaagu walaw

Ay wajigaaga yaaliin

Waxaan moodi jirey abid

Inay wax bogaagiyo

Wadnahaagu shegtaan

Indhahaagu waa weedh

Wigle weeye baan loo

Rabigeena weyn iyo

Wudwud baa abwaan ka ah

Indhahaagu waraceey

Wareegay kor eegaan

Cadceeday wacanoo

Waqalkiyo dagaarbaa

Mid wayrax sheegtaa

War anay I eegtiyo

Anaa lagu waday taas

Indhahaagu waa wadhaf

Iyo waran cid lagu gano

Wali ruxaad eegto

Waad haleeli gaadho

U war qaadan waayo

Laga waayey dunidoo

Maad waaban hogoshee

Dhagar baad wacanay

Wahankeeda doonayn

Indhahaagu waabiyo

Waa ciinad doog lehyo

Waa waadi doroo

Waaheen ku yaaliyo

Waraab koodu eegmiyo

Waa jaleeco waafiya

Indhahaagu weheshiga

Waa waraaq qoraalo

Wad cigaad ku sugantiyo

Laga waayo dhehdaa

Indhahaagu waa qood

Widh widhkiyo dhalaalka

Sida waa beryaano

Ruuxi kol waaya

Gudcuradu wanjaaciya

Indhahaagu waanada

Waa wadaad af dheero

Qof samaan ku weecda

Waalid caasiyaayey

Waaxidkii abuuriyo

Wacdi doora siiyaan

Indhahaagu wiilkay

Kawadaan dareenko

Gudo walalacdoodiyo

Weynaantu hirow bay wanqashaa

Astaano wijagiyo

Dibnaha iyo

Camaankay wareegtada

U diraan war farax loo

Abidkood wakishaan

Caro adag waa yaaliyo

Xigta iyo walaalo leh

Indhahaagu waa wadan

Shacab iyo wasiiro leh

Wadartoodu waa boqol.


waxan filayaa ina si fican ugu bogatid labada maanso ee uu curiyay yaxye xabaash.

"maanso | si xor u fikir| 2022"

"maanso | amuur jaceyl"


Previous Post Next Post

Contact Form