Manso|amuur jaceyl|abwanad sahro

 maansodan waxa curisay abwaanad sahro sanadku markuu 2017.mansodan waxey ka mid tahay kuwa loogu jecelyahay ee kuwa jaceylka ah waxaana la yiraahdaa amuur jaceyl kuna saabsan jaceyl amaan ah.

marka waxan rajeynaya ina sii fican ugu heli doontid maanso dan amuur jaceyl:


maanso amuur jaceyl


Manso waxey oraneysa:

  Hadaan axad yahow jaceylka

  Nafteyda abaaray sheego

  Mid weyaan igu adkaaday

  Sidii ubax igu beermay

  Dhamaan u adeegayasha

  Wadnaha ku aroorshay dhiga ayuu ordaa si aada

  Markaad erey qudha tiraahdo

  Nafteyda agjoogistada

  Waxey ka heshaa awoode

  Hadaan aragisa waaayo

  Ayaan keliya oo maqnaato

  Arfaaxiga quudan maayo

  Biyaha kama oo baxayo

  Indhaha kor u qaadimayo

  Waxan ahey ruux asqeysan

  Nafteydah amaana illaahay weeye

  Illaahay igu ilhaamay

  Hadana adigan ku siiya

                                                       ****

  Waxa tahay ruux agteyda abaal ku leh aan dhamaane

  Ardaa u yegleel jaceylka

  Cishqikaga ku adkow dhankaga

  Amaan kuma goobi doone

  Aqoonta illahay ku siiye

  Waxa tahay ahlu qeyrka

  Janada loo furayey albaabka

  Sidii ubax geed ku yaal

  Indhaha wey kugu farxaan

  Kumaan arag eyniga ragaan

  Arladeda jooga midaan soo dhigo agtada

  Awooda illaahey baa leh

  Ayaan qeyrleh bey isheydu

  Adiga iskaga aqootay

  Hadii uunka aynu joogniyo

  Duunyada oo dhan manta

  Adiga li idoorensiiyo

  Daqiiqad qura oo ku eego ayaan u arka nasteexo.

  Amuurtan  jaceylku heedhe qeyrleh bee

  Agtaada ikeentay anoo ordaaya

  Uurkeyga siday arkaysay soo taa isla

  keen abaartay jeceylkaad igu abuurtay

  eed iyo dhib ka sheegan maayo

  waxaan u arkaa ildoogleh ileys iyo

  meel ugbaad leh hadaan noqdo

  ooridaada awlaadada hooyadood

  oraahda iyo amaradaada hadii

  aan u a deeci waayo 

  sidii ilmo  aa rabaysay

  hadaan ubaxyahoo bidhaamay

  hilaacyohow ii iftiimay,

  rajatahay ii maqneede sidii ubadkiyo

  dhalaanka kugu ababin waayo

  jaceylkaad adigu beertay

  agteyda marka timaado oo aad

  igu soo dhawaate ayaa istareexayaye

  inta ifka joogo mandhey miyaan ku illoowayaba

  indhihii ku arka arkaa ayaan leh

  rabow ha igaga qaadin ayaamaha igu laaban

  adduunyda joogisteeda hadii ayara ilduufto

  naftaan igu ooli meyso

   ifkana sii joogi meyso dhibkana u adkeysan mayso

   agteeda ku oon baxda unoqo ruuxi adkeeya, jaceylka amaanadiisa

                                                       ***

   waagii berya ee iftiima ayaantii

   walba ee timaada waxan ka baryaa

   illaahay inaan noqdo orridaada

   inaan ilmo kuu xambaaaro

   agtaada inaan ka muuqdo

   intaan la igeyn qabriga

   uur kiyo badi waax yahayga

   adaa amray nafteydan

   jaceyl ku abuuray mandhey

   dadbaa jira aafadoona

   kala irdheeya jaceylkan

   kala afduuba,

  dhankaga ka ood ibliiska

  sirteena inuu ogaado qofan lagu aamineyne

   adaan ku hayaa jaceylka

   midkiisa awooda weyn

   ii noqo kii aayaheyga

   nafteeda ku uursamaato

   qof baan ahay aad uliita

   markan aragaaga waayo

   astaamaha cashaqeygu

   adey kugu idilyihiine

   miyaan arka yaaba heedhe

   qofey ishu milicsigeedu ujeedo

   usii jeleecdo waxaa nad ahayn

   ma sheegin amaan ku masaarin been ah

   uur kaan doonayayo

   afkaa diidey amuuskiye

   haddii aan si afeefto

   dardaaranka sii adkeeyo

   waxaan oran lahaa ayaanle 

   ku dhowr aramida jaceylka

   nafteydu inay la ooydo

   isheyduna ay la ilmeeso

   adoon lagu aasin mandhey


waxaan rajeynaya inaad si fican ugu bogatay"Manso|amuur jaceyl|abwanad sahro"

haddii aad ka heshay inaan soo badino manso yinka ama geerarada iyo arimaha jaceylka

nala soco oo mar walbo  haddi aad rabtid inaa wax naga soo dalbato ama na soo weydiiso xaga hoose ee comment iga nagu soo wadaag mahadsanid.


 

Previous Post Next Post

Contact Form